Tababaraha Chelsea oo ka warbixiyay xaalada dhaawaca  xidiga Garabka uga ciyaara Chelsea ee Pulisic

Ciyaaryahanka Chelsea Christian Pulisic ayaa weli la dhibtoonaya inuu dib u helo taam ahaanshihiisa buuxda, iyadoo dhibaato muruqa ay soo jahday xiddiga , ayuu shaaca ka qaaday Frank Lampard

Mareykanku wuxuu kusoo bilowday kaliya afar kulan tartamada oo dhan ilaa iyo haatan halgamayo ayuu jira dhaawac kasoo gaaray muruqa.

Kooxdiisa waxa ay guuldaro kala kulantay kooxda Everton kulan ay kula ciyaareysa Goodison Park fiidnimada Sabtida kulan ka tirsan Premier League, Frank waxa uu rajeynayaa inuu heli doono Pulisic, laakiin Pulisic kama cadda dhibaatada taam ahaanshaha.

Tababaraha Blues ayaa ku tilmaamay Pulisic inuu dhaawac yar ka qabo muruqa , waana sababta uu uga maqnaa kulankii UCL ee Krasnodar Talaadadii.

“Christian ahaan waa shaqo socota, ma doonayo inaan ugu yeedho dhaawicii soo gaadhay todobaadkan.”

Hudson-Odoi iyo Ziyech ayaa labaduba dhaawac muruqa ah kaga maqnaan doona garoomada waxayna seegi doonaan safarka Liverpool ee usbuucaan iyo kulanka ay la leeyihiin Wolverhampton Wanderers Talaadada.

Tababaraha reer England ayaa rajeynaya inuu labadoodaba soo celiyo kulanka ay gurigooda kula ciyaarayaan West Ham United, laakiin taasi waa laga yaabaa inay riixdo oo booqashada Arsenal ee Boxing Day ayay u badan tahay.

Dhinaca kale, Chelsea ayaa tilmaamtay daafaca aadka loo qiimeeyo ee Cagliari iyo daafaca dhexe ee reer Poland Sebastian Walukiewicz inuu yahay bedelka mustaqbalka ee xagaayga Thiago Silva, sida ay wararku sheegayaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*