Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa tilmaamay booska uu ku feecanyahay Christian Pulisic

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa sheegay inuu helay booska ugu fiican ee Christian Pulisic marka laga hadlayo kooxda Blues. 

Tababaraha cusub ee Chelsea ayaa u adeegsaday Pulisic dooryo kala duwan oo weerarka ah, laakiin waxay haatan umuuqataa in tababaraha reer Jarmal uu ka gaabsaday booska ugu fiican ee xidigan.

Isagoo la hadlaya NBC Sports , Tuchel wuxuu iftiimiyay inuu doonayo Pulisic inuu ‘sameeyo wax badan isagoo sharaxaya sida uu qorsheynayo inuu u soo saaro waxa ugu fiican isaga. Tababaraha Chelsea ayaa sidoo kale tilmaamay inuu doonayo inuu arko ‘xoogaa deganaan ah’ Pulisic iyo kuwa kale.

“Waxaan u maleynayaa in kala bar boosaska seddexda hore ay ku haboonaan karaan isaga waxaan rabaa inuu sameeyo qish badan oo aan ku ahaajin karo  halka uu ka ciyaari karo kubbada oo aanu lumin xawaarihiisu.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*