
Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu taageere weyn u yahay Franck Kessie kaasi oo khadka dhexe ugu ciyaara AC Milan si uu u keeno Chelsea .
Tababaraha reer Jarmal Tuchel ayaa si xoogan ku bilaabay noloshiisa garoonka Stamford Bridge ka dib markii uu bedelay Frank Lampard bishii la soo dhaafay, isagoo badiyay shan kulan halka uu barbaro galay mid ka mid ah lixdii kulan ee ugu horeysay.
Chelsea ayaa wali heysata fursado badan oo ay ku ciyaarto xilli ciyaareedkan, laakiin diiradda ayaa durba u weecatay dhanka suuqa kala iibsiga xagaaga.
Il Milanista ayaa ku warameysa in Kessie laga yaabo inuu ka mid noqdo bartilmaameedyada Tuchel ka hor xilli ciyaareedka soo socda iyadoo tababarihii hore ee Paris Saint-Germain uu doonayo inuu la shaqeeyo xidigan.
24-sano jirkaan ayaa lagu qiimeeyaa € 40m (£ 34.77m) kooxda Rossoneri, laakiin Chelsea ayaa u isticmaali karta Fikayo Tomori – oo amaah loogu diray San Siro bishii la soo dhaafay – si ay u noqoto gorgortanka heshiis kasta.
Kessie ayaa loo isticmaalay 31 jeer tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan wuxuuna heystaa 16 bilood inuu ku sii joogo qandaraaskiisa haatan.