Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel oo shaaca ka qaaday sababta uu u doonayo inuu wajaho Real Madrid

Chelsea ayaa u soo baxday Semi-finalka UEFA Champions League markii ugu horreysay muddo toddobo sano ah.

Tababaraha Jarmalka ayaa haatan rajeynaya kulanka afarta ah laakiin waxa uu doonayaa inuu wajaho Real Madrid halkii uu ku dhici lahaa Liverpool.

Real Madrid ayaa 3-1 ku hogaamineysa Liverpool haatan wareega 8da Champions League. Kooxda reer Spain ayaa u safreysa inay wajahdo kooxda heysata Premier League garoonka Anfield caawa, iyagoo og inay lug la galeen semi-finalka.

Thomas Tuchel ayaa la weydiiyay cida uu doonayo inuu wajaho afarta koox ee ugu dambeysa.

tababaraha Chelsea ayaana si geesinimo leh Real Madrid uga doortay halkii Liverpool uu dooran lahaa. Macalinka Jarmalku wuxuu sheegay in la ciyaarista koox ka baxsan Premier League inay kulanka siineyso dareen dhab ah Champions League.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*