Tababaraha Chelsea Tuchel oo Cadeeyay sababta uu u badalay Mount

Chelsea Tababaraheeda kooxda Thomas Tuchel ayaa sharaxay badalka Mason Mount uu ku badalay N’Golo Kante kulankii Tottenham.

Isbedelka ayaa wax saameyn ku sameeyay Chelsea ficil ahaan iyadoo Kante uu gool dhaliyay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen axadii.

Chelsea ayaa ku dhibtooday inay ka gudubto bilowga qeybta hore, xili Romelu Lukaku uu lumiyay dhoor fursad uu gool ku heli karay

Tuchel ayaa markii dambe yiri: “Waxay ahayd dooq adag Mason Mount waxa uu ahaa mid adag lakin N’Golo Kante ayaan soo galiyay si kooxda ay u hesho tamar ama awood.

“Diyaar uma ahayn inaan ka hadlo meelaha bannaan. Waxay ku saabsanayd inay helaan kalsooni xagga tamarta taasina waad aragtay waan ku guuleysanay. “

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*