Tababaraha Chelsea Tuchel oo ka jawaabay xiriirinta Haaland iyo Upamecano ee Kooxdiisa

Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa kooxdiisa ka fogeeyay wararka la xiriirinaya Dayot Upamecano iyo Erling Haaland.

Blues ayaa ka mid ah kooxo waa weyn oo Yurub ah oo lala xiriirinayo daafaca RB Leipzig Upamecano iyo weeraryahanka Borussia Dortmund Haaland. 

Labada ciyaaryahan ayaa xagaagan baahi weyn loo qabay, laakiin Tuchel ayaa sheegay inuu ixtiraam u muujinayo xidigahan haatan isagoo iska fogeeyay mowduucan.

Muxuu Tuchel ka yiri Upamecano iyo Haaland?

“Waan fahmi karaa xiisaha su’aasha iyo xiisaha ay u leedahay taageere kasta inaa ka hadlo mowduucyadan,” ayuu yiri Tuchel. Waxaan marwalba ahay taageere waxaanan xiiseeyaa waxa socda.

“Laakiin hadda waa Febraayo oo waxaa jirta waddo dheer oo loo maro. Sidaad aniga ii garaneyso, waxaad ogaan doontaa inaanan ka hadli doonin ciyaartoy kale oo qandaraas kula jira Kooxo kale.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*