Home Warka Xiisaha Leh Tababaraha kooxda Arsenal oo Weerar ku Ah xiddigo kale oo Ka Tirsan...

Tababaraha kooxda Arsenal oo Weerar ku Ah xiddigo kale oo Ka Tirsan Manchester City.

0
Ad

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa u muuqda mid suuqa xagaagan markale isku dayi doona inuu ciyaartoy kala soo saxeexdo kooxda ay xilli ciyaareedkan tartameen ee Manchester City.

Arteta oo saddex sano soo ahaa tababare ku xigeenka Manchester City ayaa xagaagii 2022 kooxdaas kala soo wada wareegay Gabriel Jesus iyo Oleksandr Zinchenko.

Ad

Sida uu sheegayo il-wareedka TalkSPORT, Arsenal ayaa markan xiisaynaysa daafaca kale ee City ee Joao Cancelo oo haatan amaah ugu maqan dhinaca Bayern Munich.

Warbixinta ayaa markan sheegaysa in Gunners qabaan cabsi ah in Man City diidi doonto inay wax ganacsi ah la samayso xagaagan maadaama ay Arsenal si weyn ugu najaxday saxeexyadii ay hore uga qaadatay.

Jesus iyo Zinchenko ayaa labaduba hoggaamiyayaal ka noqday safka Arsenal iyagoo muhiim ka ahaa in kooxdu Premier League u tartanto sanadkan.

Cancelo ayaa xilli ciyaareedkan 19 kulan tartamada oo dhan usoo ciyaaray Bayern Munich laakiin lama filayo in kooxdaasi rasmi ka dhigto heshiiskiisa amaahda ah.

Bayern ayaa diidan lacagta 60-ka Milyan ee pound ah ee City ku doonayso iibka 28 sano jirka Portuguese-ka ah taas oo albaabada u furaysa kooxaha kale ee xiisaynaya.

Cancelo ayaan qariib ku noqon doonin aragtiyaha tababare Mikel Arteta maadaama ay hore ugu soo wada shaqeeyeen Etihad.

Barcelona ayaa ah kooxda kale ee saxeexa Joao lala xidhiidhinayo balse waxay ku doonayaan qaab amaah ah maadaama aysan dhaqaale ahaan awoodin inay 60 Milyan oo pound ka bixiyaan.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Khamiis Ah 18-ka May
Next articleDalabkii Messi Uga Yimid Saudi Arabia Oo Meel Waali ah Gal Ahayn Gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here