
Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa dhigiisa Real Sociedad ee Imanol Alguacil oo ay caawa siddeed dhammaadka Copa Del Rey iskaga hor imanayaan ku sifeeyay mid kamida macalimiinta tusaalayaasha u ah.
Xavi ayaa sheegay in kulankani noqon doono mid wanaagsan maadaama labada kooxoodba imanayaan iyagoo xaalado wanaagsan ku jira.
Xavi ayaa intaas kaddib amaanay Alguacil isagoo sheegay inuu yahay tababare is muujiyay oo horeba koob ugula soo guuleystay Sociedad isla markaana macalinkaasi kamid yahay tusaalayaashiisa.
Imanol ayaa saddex sano oo uu joogay Sociedad kusoo dhammaystay kaalmaha lixaad, shanaad iyo lixaad halka ay haatan joogaan saddexaad isla markaana ku jiraan wali Copa Del Rey iyo Europa League.
Be the first to comment