Tababaraha kooxda Barcelona Xavi oo ka codsaday Barcelona inay dib ula soo saxiixato Lionel Messi.

Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa ka codsaday Barcelona inay dib ula soo saxiixato Lionel Messi.

Laacibka reer Argentina ayaa xagaagii hore beeca xorta ah uga tagay Camp Nou sababo la xiriira dhanka dhaqaalaha kooxda, inkastoo uu ku biiray PSG, Messi ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ku laabanayo Barcelona.

Inkasta oo uu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 11 gool sidoo kale caawiye ka noqday 15 gool 34 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore, Messi ayaa xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee PSG la kulmay xaalad adag inkasta oo uu xilli ciyaareedkan ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 3 gool kulamo badan.

Inkastoo uu xilli ciyaareedka cusub kula bilowday PSG qaab ciyaareed wanaagsan, weriyaha kubbada cagta Spain ee Guillem Balague ayaa aaminsan in saaxiibkii hore ee Messi haatana madaxa Barcelona Xavi uu doonayo inuu dib ula soo wareego xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Xavi uu raadinayo ciyaartoy ay ka mid yihiin Bernardo Silva iyo Messi, kuwaasoo awood u leh inay ciyaarta u ciyaaraan sida uu qabo tababaraha Barcelona.

Inkasta oo saxiixa Silva uu noqon karo suurtogalnimada xagaagan, kooxda reer Catalonia ayaa laga yaabaa inay sugto ilaa qandaraasyada Messi ee PSG uu dhacayo sanadka soo socda si ay ula saxiixato 35 jirkaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*