Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp oo si layaab leh u sababeeyey natiijooyinka kooxdiisa ee shalay

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp oo sanadaha uu Premier League joogay kusoo caan baxay inuu marmarsiiyo kala duwan oo layaab leh u sababeeyo natiijooyinka xun ee kooxdiisa ayaa shalay heer kale u qaaday sababahaas kulankii ay barbardhaca kasoo baryeen Fulham oo ay 2-2 lasoo galeen.

Ciyaar xiiso badan oo ka dhacday gegida Craven Cottage ayuu Alexander Mitrovic laba jeer taabtay shabaqa Reds halka Darwin Nunez oo bedel kusoo galay iyo Mohamed Salah ay badbaadiyeen kooxda martida ahayd.

Klopp ayaa kulanka kaddib sheegay dhawr dhibaato oo ay kooxdiisu wajahday ciyaartaas balse mida ugu yaabka badan ayaa ahayd inuu ku andacooday in garoonku qalalnaa.

Jurgen oo kulanka kaddib saxaafada la hadlay ayaa yidhi “Waxa ugu wanaaagsan ee maantu waxay ahayd natiijada, xaqiiqada ah inaanu dhibic helnay kaddib dhab ahaan kulan xun aniga dhinacayga, haatan su’aashi waxa weeyaan siday sidaasi ku dhici karta?

“Hab fikirka ciyaartoydu sax ma ahayn bilawgii kaddib waxay doonayeen inay dib u dagaalamaan balse may sahlanayn. Garoonku wuxuu ahaa mid qalalan, siday doonayeen baa nagu dhacday. Natiijadu waa caadi uma malaynayo inaanu u qalanay intaas wax ka badan”.

Liverpool ayaa ku dhibtootay inay wax fursado ah abuurto qaybtii hore, nasiibkooda ayaa isbedelay markii ay saddex bedel samaysay qaybtii dambe horraanteedii.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*