Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in ay Chelsea faa’iido dheertahay Arsenal, Man City Iyo Liverpool Tartanka Premier Leageu xilli ciyaareedkan.
City ayaa hadda fadhisa kaalinta shanaad ee kala sarreynta Premier League waxaana ay sagaal dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.
Guardiola ayaa la kulmaaya qaab ciyaareedkiisii ugu xumaa ee xirfadiisa tababaranimo iyada oo City ay diiwaan gashatay hal guul 11-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan waxana ay mudadaas la kulantay 7 guuldaro.
City ayaa seegtay saameynta Rodri ee khadka dhexe, iyadoo ciyaaryahanka ku guuleystay Euro 2024 ee Spain uu qarka u saaran yahay inuu seego inta badan xilli ciyaareedka sababtoo ah dhaawac soo gaadhay.
Maresca ayaa haysta kayd fiican isaga oo kulamo badan nasiya xiddigaha muhiimka ah ee sida Nicolas Jackson, Moises Caicedo iyo Cole Palmer.
Guardiola ayaa aaminsan in City ay u baahan tahay inay raacdo qorshaha Chelsea xilli ciyaareedka soo socda, laakiin wuxuu qiray in jadwalka kubada cagta ee adag uu qaban doono dhammaan ciyaartoyda.
“Hadaba muxuu Rodri u dhaawacmay? Waxa uu ciyaaray 75 kulan xilli ciyaareedkii hore,” Guardiola ayaa yidhi.
“Markii aan dhamaysanay xilli ciyaareedka ee aan ku jirnay fasaxa waxa uu aaday Euro-da oo uu kula guulaystay Spain kadib wuu dhaawacmay”.
“Chelsea waxa ay haysataa 30 ilaa 25 xiddig waana Faa’iidada ay dheertahay kooxaha kale”ayuu sii raaciyay.