Tababaraha kooxda Manchester City oo ka hadlay wararka la xiriira Marc Cucurella

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Manchester City ay weli si firfircoon uga jirto suuqa kala iibsiga, ayna damacsan yihiin inay xagaagan qortaan daafac bidix oo cusub.

Horaantii bishaan, Citizens ayaa u ogolaatay xiddiga heerka caalami ee dalka Ukraine Oleksandr Zinchenko inuu ku biiro Arsenal heshiis ku kacaya 32 milyan ginni.

Guardiola ayaa tan iyo markaas u aqoonsaday xiddiga Brighton & Hove Albion ee Marc Cucurella bartilmaameedkiisa ugu sarreeya inta ka harsan suuqa kala iibsiga xagaagan, inkastoo 24-sano jirkaan laga yaabo inuu ku yimaado qiimo aad u badan.

City ayaa la fahamsan yahay inay aragtay dalab 30 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneysay Cucurella oo ay diiday Brighton, kaasoo ku qiimeeyay xiddiga reer Spain inuu ku dhow yahay 50 milyan ginni.

Wada xaajoodka labada kooxood ayaa weli socda, inkastoo weli la rumeysan yahay inuu jiro masaafo u dhexeeya labada dhinac oo ku saabsan qiimaha ciyaaryahanka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*