Tababaraha Kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer oo go’an laga gaaray

Kooxda Man United ayaa sheegtay in ayna wax qorshe ah u hayn in ay shaqada ka caydhiso tababare Ole Gunnar Solskjaer kadib guuldaradii 3/1 ahayd ee Man United ka soo gaadhay PSG.

Maamulka Kooxda Man United ayaa sheegay in uu Ole Gunnar Solskjaer kooxda ku wado wadada saxda ah guuldaradii PSG-na waxba ka badali doonin arintaas.

Kooxda Man United ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad ee wareega Group-yada kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda PSG kulan ka dhacay Old Trafford.

Kadib guuldaradaas waxa soo baxay warar sheegaya in uu shaki ku jiro mustaqbalka tababare Ole Gunnar Solskjaer ee kooxda Man United.

Laakiin Red Devils ayaa sheegtay in uu Tababare Ole Gunnar Solskjaer sii hogaamin doono kooxda wakhtiga soo socda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*