Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick oo helay ogolaanshaha shaqo

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa la siiyay ogolaanshihiisa shaqo si uu u bilaabo doorkiisa Old Trafford.

63-sano jirkaan ayaa xilka kala wareegi doona Ole Gunnar Solskjaer inta ka harsan xilli ciyaareedka 2021-22 ka hor inta uusan u dhaqaaqin door latalin oo labo sano ah.

Waxaa jirtay rajo ah in Rangnick uu qaban karo kulanka Khamiista ee Arsenal, laakiin Michael Carrick ayaa sii ahaan doona kulankaan hal kulan oo kale.

Sky Sports News ayaa ku warramaysa in Rangnick uu hadda helay fiisihiisa, isla markaana uu markii ugu horreysay maamuli doono Man United kulanka Axadda ee Crystal Palace.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Rangnick uu saxaafada la hadli doono jimcaha isla markaana uu ka soo qayb gali doono daawashada kulanka ay Red Devils caawa la ciyaari doonto kooxda Mikel Arteta .

Rangnick ayaa lagu soo waramayaa inuu horay u aqoonsaday seddex saxiix oo uu doonayo United inay sameyso 2022, iyadoo Erling Braut Haaland uu yahay bartilmaameedka koowaad.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*