Tababaraha Man City Guardiola oo liiska daafaca bidix ku daray xiddiga Arsenal Tierney

Manchester City ayaa ku dartay liiska ciyaartoyda u sharaxan daafaca bidix ee Arsenal Kieran Tierney .

City ayaa qarka u saaran inay daafaca bidix ee Sergio Gomez kala soo wareegto Anderlecht , si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in amaah lagu siiyo Girona .

Pep Guardiola ayaa la dhacay xiddiga heerka caalami ee dalka Scotland Tierney tan iyo markii uu u dhaqaaqay Arsenal 2019, sida laga soo xigtay The Telegraph .

Daafacyada bidix ee kale ee ku jira liiska Guardiola waxaa ka mid ah Borussia Dortmund ‘s Raphael Guerreiro iyo xiddiga Stuttgart Borna Sosa .

Da’yarka Wolves ee Rayan Ait-Nuri iyo Alex Grimaldo ayaa sidoo kale ku jira liiska.

City ayaa ugu cadcad saxiixa Marc Cucurella oo ka yimid Brighton ilaa ay Chelsea ka afduubatay heshiiska 62 milyan ginni.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*