Home Horyaalka Ingiriiska Tababaraha Manchester City oo Shaaciyay Xili uu soo laabanayo Kevin De Bruyne

Tababaraha Manchester City oo Shaaciyay Xili uu soo laabanayo Kevin De Bruyne

0
Photo/Reuters

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in Kevin De Bruyne laga yaabo inuu ku soo laabto tababarka kooxda isbuucaan.

Kubad sameeyaha reer Belguim ayuu dhaawac ka soo gaaray muruqa kulankii Aston Villa bishii January 20-keedii mana uusan dheelin wixii intaa ka dambeeyay, in kasta oo uu shaqooyin shaqsiyadeed ka qabanayo garoomada tababarka.

Ilkay Gundogan , oo dhaawac ka soo gaaray kulankii Sabtidii ay 3-0 kaga badiyeen Tottenham Hotspur, ayaa ku biiray maqnaanshaha De Bruyne, laakiin Guardiola ayaa ka dhawaajiyay in laacibkii hore ee Chelsea uu dhawaan ku soo laaban karo safka kooxda.

Isagoo la hadlayey SkySports News jimcihii, Guardiola ayaa yiri: “Dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen in laga yaabo isbuuca soo socda [usbuuca bilaabanaya 15ka Febraayo], laga yaabee hadii uu [De Bruyne] bilaabi karo tababarka kooxda, taasi waa war noogu fiican.

“Wuxuu heystaa soo kabasho wanaagsan oo la xiriirta dhaawacyada,.

“waxaa jira Dhaawac Muruqa oo labo gaaray ma dooneyno in aan galiso halis waxaan rabnaa in uu soo laabto marka uu si buuxda u soo kabsado.

Markii la weydiiyay wax ku saabsan ka wada ciyaarista De Bruyne iyo Gundogan qadka dhexe, Guardiola wuxuu raaciyay: ” waxaan rajeynayaa inuu [De Bruyne] dhakhso u soo laabto. Wax dhibaato ah ma noqon doonto, waan kuu ballan qaadayaa!”

De Bruyne ayaa dhaliyay seddex gool isla markaana dhigay 15 kale oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii 2020-21 ka hor dhaawiciisa, walina heshiis kama uusan gaarin kooxda qandaraas cusub.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here