Tababaraha Manchester United Erik ten Hag oo shaaciyay in Cristiano Ronaldo uusan ku faraxsanayn kursiga keydka.

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uusan ku faraxsanayn kursiga keydka.

Ronaldo, oo 37 jir ah, ayaa kusoo bilowday hal kulan oo Premier League ah iyo labo kulan oo Europa League ah xilli ciyaareedkan.

Waxa uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Axadii ay guuldarrada 6-3 ka soo gaartay Manchester City, iyadoo Ten Hag uu sheegay in go’aankaas uu ahaa mid uu ku ixtiraamayay xirfadiisa weyn.

“Kuma faraxsana inuusan ciyaarin Axadii” ayuu yiri Ten Hag ka hor kulanka ay maanta oo  Khamiis ah la ciyaarayaan kooxda Omonia Nicosia ee Europa League.

“Dabcan, wuxuu doonayaa inuu ciyaaro, wuuna xanaaqaa marka uusan ciyaarin, taasi waa wax iska cad.”

Ten Hag ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Marka aad halkaan joogto oo aad ku faraxsan tahay ama aad ku qanacsan tahay kursiga keydka, tani a ahan kooxdaada.

“Xaqiiqdii Ronaldo waa tartame sida aan wada ognahay, kuma faraxsana dabcan marka uusan ciyaarin.

“Laakiin mar hore ayaan idhi, waana inaan ku celiyaa, si fiican ayuu u tababaranayaa, niyad wanaagsan ayuu leeyahay, waa uu dhiirran yahay, dadaal badan ayuu bixiyaa, waan waxa aan ka fileyno.”

Go’aankii Ten Hag uu kursiga keydka ku ilaaway Ronaldo kulankii Man City ayaa waxaa cambaareeyay kabtankii hore ee kooxda Roy Keane kaasoo sheegay inay kooxda ixtiraamdarro u muujisay ciyaarayahanka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*