Tababaraha manchester united Ole Gunnar Solskjaer oo difaacay De Gea

Ole Gunnar Solskjaer ayaa difaacay goolhayaha heerka caalami ee Devid De Gea waxana uu leeyahay qofkasta oo wax qoraya waxa uu soo qaadanayaa David de Gea gabi ahaanba waa khalad isagoo taageero u muujiyey goolhayaha mudada dheer ee Manchester United.

De Gea wuxuu hadda karantiil ku yahay gurigiisa ka dib markii uu ka soo laabtay Spain, halkaas oo loo oggolaaday inuu u safro si uu ula joogo lammaanahooda dhalashada cunuggooda ugu horreeya, taasoo wadada u xaareysa Henderson inuu ku bilowdo Axadda kulanka West Ham.

Henderson waxaa lagu soo bilaabay mid kasta oo ka mid ah seddexda kulan ee De Gea uu seegay ilaa iyo haatan, taasoo oo ka dhigan in hal gool oo keliya kulamadaas laga dhaliyey kulamadii ay wajaheen Crystal Palace, Manchester City iyo AC Milan.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*