Tababaraha Manchester United Ten Hag oo soo dhaweeyay Lisandro Martinez oo hadlay

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca Argentina Lisandro Martinez oo ay kala soo wareegeen Ajax heshiis ku kacaya 67m euros (£57m).

Tababaraha United Erik ten Hag ayaa doonayay inuu dib ula midoobo 24 jirkaan, kaasoo uu u saxiixay Ajax 2019.

Waxa uu kooxda ugu biirayaa heshiis shan sano ah kaas oo ku sii hayn doona Old Trafford ilaa 2027, iyada oo dookh u ah sanad kale.

“Sharaf ayay ii tahay inaan ku biiro kooxdan weyn ee kubada cagta,” Martinez ayaa yiri.

“Waxaan u shaqeeyay si adag si aan u gaaro xilligan, hadda oo aan halkan joogo, waxaan doonayaa inaan naftayda sii dhiiragaliyo.”

Martinez ayaa 120 kulan u saftay Ajax ka dib markii uu uga soo dhaqaaqay kooxda reer Argentine ee Defensa y Justicia aduun dhan 6.3 milyan ginni 2019, waxaana uu sidoo kale u soo ciyaaray Newell’s Old Boys .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*