Home Suuqa Kala iibsiga Tababaraha Napoli Conte oo doonay labo ciyaaryahan iyo 39 milyan ginni oo...

Tababaraha Napoli Conte oo doonay labo ciyaaryahan iyo 39 milyan ginni oo uu kaga soo qaato Chelsea.

0

Tababaraha Napoli Conte ayaa doonaya labo ciyaaryahan iyo 39 milyan ginni oo uu kaga soo qaato Chelsea.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay 39 milyan oo ginni isku dhaafsato weeraryahanka Napoli Victor Osimhen.

Blues ayaa horay ugu qarash gareysay wax ka yar 200 milyan oo ginni xagaagan 12 ciyaaryahan, iyadoo Pedro Neto uu ahaa kii ugu dambeeyay ee albaabka ka soo gala ka dib markii uu 54 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqay Wolves.

Chelsea ayaa loo soo bandhigay Osimhen taasoo qayb ka ah heshiis isku badalasho oo uu ku lug leeyahay weeraryahanka aan boosk ugu banaanen Stamford Bridge ee Romelu Lukaku.

Tababaraha Napoli Antonio Conte ayaa doonaya labo ciyaaryahan iyo 39 milyan ginni si uu u fasaxo Osimhen.

Waxaa la sheegay inuu doonayo Lukaku oo 97.5 milyan oo ginni ugu soo biiray 2021 iyo da’yarka khadka dhexe ee Cesare Casadei oo raacda 39 milyan oo ginni si loo soo afjaro heshiiska.

Wadahadal ayaa socday dhowr maalmood oo ku saabsan mustaqbalka Osimhen.

Lukaku ayaa ku guuldareystay inuu daboolo wixii laga filayey ka dib markii uu ku soo laabtay Stamford Bridge 2021, Chelsea ayaana dooneysa inay iska fasaxdo xiddiga Belgium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here