Tababaraha RB Leipzig Oo Ka Hadlay Xiriirka Christopher Nkunku ee Chelsea

Tababaraha kooxda RB Leipzig ee Marco Rose ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Christopher Nkunku uu heshiis la gaadhay kooxda chelsea si uu ugu biiro Blues waxana uu sheegay in uuna wax dareen ah siinayn wararkaas.

Isniintii, ayaa si weyn loo sheegay in kooxda ka dhisan galbeedka London ay talaabao u qaaday saxiixa xiddiga isla markaas ka saxiixatay heshiis hordhac ah kuna baasay tijaabada caafimaada ka hor inta uuna ku biirin kooxda xagaaga dambe.

Xiddiga reer France ayaa heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag dhan 52.7 milyan euro taas oo dhaqan gali doonta sanadka dambe laakiin chelsea ayaa go’aansatay in ay bixiso lacago dheeraad ah si ay ugu guulaysato heshiiska.

Leipzig ayaa marti galin doonta Celtic kulan ka tirsan champions League Arbacada waxana tababaraha kooxda ee Rose wax laga waydiiyay wararka ku saabsan mustaqbalka xiddigiisa.

“Waa warar Xan ah, kama hadlo wararka xanta ah”ayuu yidhi tababaruhu.

“Wax naga galay ma jiraan wararkaas, wax naga galay ma jiraan”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*