Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate oo shan ciyaartoy ka cayriyay liiska xiddigihiisa

Photo/Skysport

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa shan ciyaartoy ka saaray liiska xiddigihiisa kulanka ugu dambeeya ee ay iskugu diyaarinayaan Koobka Adduunka sidoo kalena ay kusoo xidhanayaan marxaladda hore ee UEFA Nations League.

Gareth Southgate oo xulkiisu aanay shan ciyaarood oo isku xigta wax guul ah arag, sidoo kalena ay goolal la’aan ahaayeen ayaa  waxa uu soo saaray liiska ciyaartoydiisa kulanka caawa ee garoonka Wembley ay ku qaabbilayaan Jarmalka, kaas oo ay raadinayaan in ay ka helaan guushoodii koowaad ee Nations League.

England oo Jimcihii uu Talyaanigu 1-0 kusoo garaacay, ayaa waxa uu Gareth Southgate qaatay go’aamo adag oo ah inuu shan ciyaartoy ka saaro xiddigihiisa kulanka caawa, waxaana uu bannaanka dhigay difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold, halka uu xajistay weeraryahanka Brentford ee Ivan Toney oo ay u noqonayso markii koowaad ee uu u ciyaaro xulka qaranka England.

Tababarkii ugu dambeeyey ee shalay ayuu Alexander-Arnold ku muujiyey sida uu iskugu diyaarinayo ciyaartan, hase yeeshee Southgate ayaa ka reebay liiska ciyaartoydiisa, halka sidoo kalena uu ka yimid Jarrod Bowen, Fikayo Tomori iyo James Ward-Prowse, iyadoo waliba uu ciyaartan ganaax ku maqan yahay Jack Grealish.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*