Home Warar Ciyaaraha Maanta Tababare hore oo  Premier League ah oo kula taliyay Erik ten Hag inuu go’aan...

Tababare hore oo  Premier League ah oo kula taliyay Erik ten Hag inuu go’aan ka qaato Bruno Fernandes oo ah kabtanka Manchester United.

0

Tababare hore oo  Premier League ah ayaa kula taliyay Erik ten Hag inuu go’aan ka qaato Bruno Fernandes oo ah kabtanka Manchester United.

Kubadsameeyaha reer Portugal ayaa ahaa dooqa koowaad ee kabtanka United tan iyo markii uu Ten Hag u doortay inuu bedelo daafaca dhexe ee England Harry Maguire bishii July ee sanadkii hore.

Fernandes ayaa United ku hogaamiyay Axadii guul darradii 3-0 ahayd ee ay Liverpool garoonkeeda Old Trafford kaga soo gaadhay.

Isagoo ka falcelinaya kulankaas tababarihii hore ee kooxaha Reading, West Ham, Charlton, Southampton, Newcastle, Crystal Palace iyo West Brom ee Alan Pardew ayaa sheegay in Fernandes uu ahaa kabtan aan waxtar lahayn kulankii Liverpool.

Pardew waxa uu soo jeediyay in Fernandes aanu ahayn ciyaartoyga saxda ah ee uu ku haboon kabtanka kooxda sababtoo ah doorkiisa farsamo.

Waxaad haysataa kabtankaaga halkaas, waxaad haysataa kabtanka farsamada.

Marka aad hesho farsamayaqaan, waxaan u maleynayaa inay had iyo jeer khatar tahay sababtoo ah waxay heli doonaan ciyaaraha,” Pardew ayaa sidaasi yidhi.

Pardew wuxuu sidoo kale sheegay in Fernandes uusan wax ku ool u aheyn weerarka marka uu kabtanka u yahay United wuxuuna sababta ku sheegay inuu ku mashquulayo waajibaadkiisa hogaaminta.

Man United ayaa ku jirta isbuuc murugo ah , iyadoo kooxda ay sameeysay saxiixyo badan hadana lama arko wax is bedalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here