Home Warar Ciyaaraha Maanta Tababarihii hore ee kooxda chelsea Graham Potter oo sharaxaad ka bixiyay sababihii...

Tababarihii hore ee kooxda chelsea Graham Potter oo sharaxaad ka bixiyay sababihii uu ugu fashilmay Blues.

0

Tababarihii hore ee kooxda chelsea Graham Potter ayaa sharaxaad ka bixiyay sababihii uu ugu fashilmay Blues.

49-sano jirkaan ayaa laga ceyriyay shaqadii tababaranimo ee kooxda London bishii March 2023, ka dib guuldarro 2-0 ah oo ka soo gaartay gurigooda Aston Villa, wax ka yar 7 bilood ka dib markii uu qaatay mas’uuliyadda hogaaminta Blues.

Potter oo la hadlaya wargayska The Telegraph ayaa yidhi”Waxay la mid tahay duufaanta oo kale”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxay u egtahay in aad ku dhex jirto mashiinka dharka lagu dhaqdo, taas oo ah waxa aanu ku nidhi shaqaalaha farsamada, sababtoo ah ciyaaruhu waa ay sii socdeen, mana aynaan helin wakhti aan ku diyaargarowno”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aanu dhaawac ku waynay Reyes James iyo Wesley Fofana, waxa aan qabaa in aan ahayn kooxda ay xiddigaha ugu badan ka dhaawacmeen”.

Wuxuu carabka ku adkeeyay: “Haddii aad ku qarashgareyso 300 milyan oo ginni ciyaartoyda ka imaanaya meel ka baxsan Premier League, oo ka imaanaya wadamada fasaxa heysta bartamaha xilli ciyaareedka, xaqiiqadu waxay tahay inaadan qiyaasi karin inay si dhaqso ah u bilaabi doonaan shaqada, wax walbana ay fiicnaan doonaan”.

Waxa uu tilmaamay, isagoo yiri: “Laakin way caddahay in haddii aad qarash gareyso 300 milyan ginni, cadaadiska kooxda ayaa kor u kacaya, cadaadiska tababaraha ayaana sii kordhaya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here