Tababarihii hore ee Tottenham Mauricio Pochettino oo ka tagaya PSG

Photo/Reuters

Tababarihii hore ee Tottenham Mauricio Pochettino ayaa ka tagaya PSG .

Pochettino ayaa heshiis magdhow ah la gaaray kooxda reer France maalmaha soo socda.

Tababaraha Argentina ayaa xilka haya 18 bilood wuxuuna kooxda ku hogaamiyay horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay, isagoo 15 dhibcood ka sareeya kooxda Marseille oo ku jirta kaalinta labaad, waana guushii ugu weyneyd ee shanta kooxood ee ugu waa weyn Yurub.

Laakiin xilli ciyaareed kale oo ku guuldareystay Champions League ayaa la arkay Pochettino oo albaabka dagaya, sida ay sheegtay Daily Mail .

Tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa lala xiriirinayaa kooxda PSG si uu u noqdo badalka Pochettino.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*