
Kylian Mbappe ayaanan joogin tababarkii ugu weynaa ee France ee xaruntooda Qatar Talaadadii maanta.
Les Bleus ayaa sare u qaadaysa diyaar garowga ka hor kulanka ay sabtida la ciyaari doonaan xulka England wareega 8 dhamaadka koobka adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaan qayb ka ahayn tababarka, taa beddelkeeda waxa uu diiradda saarayay shaqada soo kabashada iyada oo uu jiro tartan adag.
23 jirkan ayaa ciyaaray mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee uu France ciyaaray ilaa haatan koobka adduunka isaga oo ku soo bilowday saddex ka mid ah.
Mbappe ayaan la rumaysan in uu dhaawac qabo halka ay wargaysyada Faransiiska ku soo warrameen horraantii talaadadii in Xidigaha qaar ay ka qeyb qaadanayaan Tababarka furan.
Be the first to comment