Tammy Abraham oo Chelsea ka caawiyay inay iska xaadiriso Wareega 8-aad ee FA Cup-ka

Kooxda Chelsea oo booqasho ugu tagtay dhigeeda Barnsley ayaa guul muhiim ah ka gaartay taasi oo ka caawisay in ay iska xaadiro wareega 8-aad ee FA Cupka.

Xidiga Tammy Abraham ayaana Chelsea ka caawiyay guusha kulankan isagoo qeybta danbe ee ciyaarta u dhaliyay goolka kaliya ee kooxda ku badisay Daqiiqadii 64-aad ee ciyaarta.

Chelsea ayaa wajihidoonta kooxda Sheffield United kadib isku aadka Fa Cupka oo Caawa la sameeyay.

Chelsea iyo Macalinkooda Cusub ayaa hada ku jira mid kamid ah Waqtigooda ugu wanaagsanaa ee kooxda kadib guulahooda ugu danbeeyay.

Maxaa Xiga

Kooxda Chelsea ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta Newcastle United kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo dhicidoonta maalinta isniinta.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*