Tartanka loogu jiray saxeexa khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Manuel Ugarte ayaa u muuqda mid waji cusub yeeshay.
Hore waxay waxkasta u muuqdeen in Chelsea la saxeexanayso Ugarte kaas oo la sheegay inuu xataa mushahar ka hooseeya midka Paris Saint-Germain usoo bandhigtay ugu biirayo kooxda ree London.
Ugarte oo 22 sano jir ah ayaa kamida xiddigaha ugu muhiimsan Sporting halka uu sidoo kale xulka Uruguay kulankiisii ugu horreeyay metelay sanadkii 2021.
Tababaraha cusub ee Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa u arkayay Ugarte xiddig muhiim u ah mashruuciisa, haatan saxafi Fabrizio Romano ayaa sheegaya in Paris miiska u saartay Ugarte dalab ay Chelsea u aragto mid aan macquul ahayn.
Ugarte ayaa la filayay inuu Stamford Bridge a dego xataa iyadoo Chelsea ka maqan tahay tartamada Yurub xilli ciyaareedka dambe, Blues ayaan u muuqan kuwo doonaya inay lacag ka badbadis ah ku bixiyaan.
Saxafi Ben Jacobs ayaa xalay qarxiyay warka ah inay Chelsea gabi ahaanba ka baxayso tartanka Ugarte isla markaana haatan PSG kali ku tahay saxeexiisa.
Marka laga yimaado inay ka baxeen tartanka Manuel Ugarte, Chelsea ayaa ka shaqaynaysa saxeexa khadka dhexe ee Brighton ee Moises Caicedo.