Ten Hag oo dalbaday in dib u habeyn lagu sameeyo garoomada tababarka Man Utd

Tababaraha cusub ee Manchester United Erik ten Hag ayaa si deg deg ah u dalbaday isbadal lagu sameeyo garoonka tababarka ee Carrington.

The Sun ayaa sheegaysa in Ten Hag uu horay u siiyay shaqaalaha goobta tababarka faahfaahinta waxa uu doonayo marka uu shaqada bilaabo xagaagan.

Taasna waxaa ka mid ah udiyaarinta garoon shan-dhinac ah waxa Ten Hag uu ku calaamadiyay marka ciyaartoyda la dhex dhigo fadhi bannaan oo xaddidan.

Garoonkooda yar ee United ee ku yaal saldhiga Carrington ayaa horeba loo ooday mana jiri doonto marmarsiyo kuwa ay ka mid yihiin Marcus Rashford iyo Cristiano Ronaldo .

Ten Hag ayaa la rumeysan yahay inuu sidoo kale doonayo qaar ka mid ah garoommada nuska ah in dib loo soo celiyo si uu ugu celceliyo kuwa uu maalin kasta u adeegsan jiray Ajax .

Mid ka mid ah dadka u dhuun daloola United ayaa yiri: “Macalinka cusub waxa uu horay u soo gudbiyay codsiyo farsamo oo dhowr ah, shaqaaluhuna aad ayay uga shaqeynayaan sidii ay u diyaarsan lahaayeen.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*