Home Warar Ciyaaraha Maanta Theo Walcott oo Shaaciyay in saaxiibkiisii ​Romeo Lavia ay ahayd inuu ku...

Theo Walcott oo Shaaciyay in saaxiibkiisii ​Romeo Lavia ay ahayd inuu ku biiro Liverpool

0

Theo Walcott ayaa aaminsan in saaxiibkiisii ​​hore ee Southampton Romeo Lavia ay ahayd inuu ku biiro Liverpool halkii uu ku biiray Chelsea.

Ku dhawaad ​​hal sano ayaa laga joogaa maalintaas tan iyo markii Lavia uu heshiis 58 milyan ah ugu biiray kooxda chelsea kagana biiray Southampton.

20-sano jirkaan ayaa qalinka ku duugay heshiis todobo sano ah laakiin waxa uu ku dhibaatooday dhaawacyo mana uusan ciyaarin kulamo badna.

Lavia ayaa rajeynaya inuu dib u soo nooleeyo mustaqbalkiisa Chelsea xilli ciyaareedkan, isagoo si weyn uga soo muuqday shaxda bedelka Mauricio Pochettino Enzo Maresca kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka laakiin Walcott ayaa wali ka walaacsan saaxiibkiisii hore.

“Waa ciyaaryahan hibo leh”ayuu Walcott yidhi.

“Waxa uu tababarka u qaataa si daacad ah si xoogana wuu u tababartaa laakiin waxa soo gaadhay dhaawac halis ah oo uu sanad ku maqnaa”.

“Waxaa jiray wadahadalo ku saabsan inuu aadayo Chelsea ama Liverpool, aniga ahaan Liverpool ayaa ahayd kooxda u fiican isaga ka ciyaartoy ahaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here