Home Warar Ciyaaraha Maanta Thiago Motta oo la yaabin Samuel Mbangula oo dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay...

Thiago Motta oo la yaabin Samuel Mbangula oo dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee lama filaan ah

0

Thiago Motta ayaan la yaabin Samuel Mbangula oo dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee lama filaan ah iyada oo Juventus ay 3-0 ku xasuuqday Como, laakiin wuxuu soo bandhigay qaabkii ay Dusan Vlahovic iyo Kenan Yildiz ay hogaamin lahaayen weerarka.

Bianconeri ayaa isku diyaarinaysay xilli ciyaareedka cusub, waxaana shaki laga qabay waxa dhabta ah ee kooxdan uu noqon doono tababare ka duwan kii hore ee Max Allegri.

Waxa kale oo jiray su’aalo badana laga keenay markii 20 jirka Samuel Mbangula lagu soo bilaabay shaxda kooxda, isagoo kasoo hormaray Douglas Luiz, laakiin waxa uu ahaa da’yarka garabka ka ciyaara kaasoo furay gooldhalinta kulankii Como.

Ciyaaryahan Tim Weah ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta gool kale dhaliyay halka Kenan Yildiz kii seddexad uu raacsaday.

“Dareen wanaagsan ayaan ka lahaa Mbangula, waxaan ka filayaa waxyaabo waa weyn qof walba ee ma ahan kaliya isaga.

Maanta wuu ciyaaray sababtoo ah waa wax uu u qalmay dhammaan shaqadii uu qabtay.

Waan ku faraxsanahay isaga, guud ahaan kooxda waxaan u ciyaarnay si wanaagsan,” Thiago Motta ayaa sidaasi yidhi.

Como ayaa ololaheedii ugu horeeyay ee Serie A guul darro qaadatay, waxaana kulankan is muujiyay oo wacdaro dhigay labada xiddig ee Vlahovic iyo Yildiz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here