Home Wararka Ciyaaraha Thibault Courtois oo ku Maadeestay Kooxda Liverpool, Shalay iyo Maanta isku mid...

Thibault Courtois oo ku Maadeestay Kooxda Liverpool, Shalay iyo Maanta isku mid Maahan

0
Ad

Goolhayaha Kooxda Real Madrid ee Thibault Courtois ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka Liverpool ee xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa 5/2 ku xasuuqday kooxda Liverpool kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa wareega 16-ka champions League.

Ad

“Madrid mar walba waxay ku jiri doontaa dagaalka ilaa dhamaadka,” Goolhayaha Real Madrid Thibault Courtois ayaa u sheegay Movistar ka dib guushii 5-2 ay kooxdiisu ku soo gaartay Anfield.

“Waxaan qabaa in Liverpool aysan ahayn sidii xilli ciyaareedkii hore hadii aan runta ka hadlo, waxa ay aad uga jilicsanyihiin daafaca”.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay sii wadato difaacashada koobka champions League waxana ay hal lug la galeen wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Previous articleJosko Gvardiol oo looga Gacan Haatinayo Kooxda Liverpool
Next articleXavi oo si Adag uga Hadlay Lionel Messi oo ku Laabanaya Kooxda Barcelona iyo Sida uu u Arko

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here