Thierry Henry iyo Jamie Carragher ayaa labaduba ku dhaleeceeyay Cristiano Ronaldo inuusan wax difaac ah sameynin waxayna dareemayaan inuu dhibaato weyn ku yahay tababaraha xiga ee Manchester United .
36 jirkaan ayaa markale shabaqa soo taabtay kulankii ay kooxdiisa 2-0 kaga badisay Villarreal talaadadii, isagoo goolashiisa Champions League xilli ciyaareedkan ka dhigay lix gool, halka uu sidoo kale afar gool iyo labo caawin ka sameeyay horyaalka Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, Carragher iyo Henry labaduba waxay dareemayaan in xogtiisa gaarka ahi ay qarinayso saamaynta xun ee uu ku leeyahay kooxda guud ahaan, United waxay u baahan tahay heer shaqo oo dheeri ah iyo cadaadis kaga yimaada weeraryahankooda.
“Sidee koox le’eg Manchester United ay wali ugu tiirsan tahay nin 37 jir ah? Waxa uu ahaa mid aan la rumaysan karin, rikoorka goolkiisa waa mid aan la rumaysan karin, laakiin haddii uusan dhalin waa Culeys ciyaarta dhexdeeda, “Carragher ayaa u sheegay CBS Sports.
Haddii Cristiano Ronaldo uu afar ama shan kulan gool dhalin, taasi waxay dhibaato wayn ku tahay Manchester United.