Thomas Frank oo ka hadlay in lala Xiriiriyo Shaqada kooxda Arsenal

Tababaraha kooxda Brentford Thomas Frank ayaa qirtay inay aad u fiicnayd in lala xiriiriyay inuu u wareegayo Arsenal , iyadoo aan la hubin mustaqbalka fog ee Mikel Arteta .

Ka dib markii Bees ay xaqiijisay u soo bixitaankeedii ugu horreeyey abid ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, kooxda Frank ayaa tan iyo markaas ku raaxeysatay bilowga horyaalka xilli ciyaareedkan, iyadoo 12 dhibcood ka heshay toddobadii kulan ee ugu horreysay, oo ay ku jirto guushii 2-0 ee ay ka gaareen Gunners maalinta furitaanka.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Frank ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Emirates, haddii qaab ciyaareedka Arsenal uu hoos u dhaco Arteta, si kastaba ha ahaatee tababaraha reer Denmark ayaa mar kale ku celiyay inuu ku faraxsan yahay Brentford inkastoo ay jiraan warar xan ah.

“Marka, si fiican ayaan u fahmay, laakiin … Arsenal iyo [Manchester] United. Miyaanay sidaas ahayn? Waxaan u malaynayaa inaan mar uun akhriyay taas. haddii ay dhab ahaantii doonayeen inay ila soo xiriiraan. waan soo dhaweenayaa ”ayuu Frank u sheegay Bold .

Tan iyo markii uu bedelay Dean Smith oo ahaa madaxa Brentford bishii Oktoobar 2018, Frank wuxuu ku jiray 156 kulan tartammada oo dhan, isagoo guuleystay 78 jeer.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*