Home Warka Xiisaha Leh Thomas Tuchel oo ka hadlay mustaqbalka Joao Cancelo oo ay amaah kaga...

Thomas Tuchel oo ka hadlay mustaqbalka Joao Cancelo oo ay amaah kaga soo qaateen Manchester City

0
Ad

Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay mustaqbalka difaaca reer Portugal ee Joao Cancelo oo ay amaah kaga soo qaateen Manchester City, kaas oo maalmihii ugu dambeeyey la isla dhax marayay in aanay hirgelin doonin qodobkii u ogolaanayay inay si rasmi ah ula wareegaan.

Joao Cancelo ayaa bishii January ay Bayern Munich kula wareegtay heshiis amaah ahaa kaddib markii uu ka baxay liiska ciyaartoyda uu tababare Pep Guardiola ku qanacsan yahay. Waxa heshiiskiisa amaahda ahaa ku jiray qodob Bayern Munich u ogolaanaya inay si buuxda ula wareegaan.

Ad

Thomas Tuchel oo bishii April beddelay Julian Nagelsmann ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Cancelo oo uu kusoo bilaaby lix ciyaartoy oo uu laacibka reer Portugal na ugu abaal-guday laba cawimood.

Arsenal ayaa si aad ah loola xidhiidhinayaa Joao Cancelo, iyadoo la sheegayo in Munich ay ka cago-jiidayso in ay bixiso €70 milyan oo Euro oo ay City ku xidhay heshiiskii amaahda ahaa.

Si kastaba, Thomas Tuchel oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa la weydiiyey qorshihiisa xiddigan 28 jirka ah, waxaanu ku jawaabay: “Anigu waan ku faraxsanahay laacibkan, waxaanan dareemayaa in uu isaguna ku raaxaysanayo halkan. Laakiin dhamaadka xilli ciyaareedka ayay dhamaan dhinacyadu go’aan gaadhi doonaan.

“Doonistiisa tabbarka ayaa ah mid uu kaga duwan yahay ciyaartoyda kale. Waxa aan dareemayaa in uu ku faraxsan yahay halkan. Waanu ka wada hadli doonaa wax walba marka uu xilli ciyaareedku dhamaado.”

Previous articleJones Knows oo Shaaciyay saadaashiisa toddobaadka ee horyaalka Premier League iyo Kooxaha Waaweyn Ee Argagaxa La Kulmaya
Next articleMikel Arteta oo tababarkii ciyaartoydisa ee maanta Kusoo Daray Eey uu Magac Cajiib ah U bixiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here