Thomas Tuchel oo ka Warbixiyay Wararka ka cusub dhaawacyada Kai Havertz & Romelu Lukaku

Dhibaatada dhaawaca weerarka ee Chelsea ayaa laga yaabaa inay sii korodho iyadoo la sheegay in Kai Havertz uu shaki ku jiro inuu wajaho Juventus Champions League habeenka talaadada.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa door dhexe ka ciyaarayay tan iyo markii dooqa koowaad ee Romelu Lukaku uu dhaawac canqowga ah ka gaaray kulankii Yurub ee ay la ciyaareen Malmö 20kii Oktoobar – isla kulankii uu Timo Werner dhaawac muruqa ah uga baxay.

Lukaku iyo Werner midkoodna ma ciyaarin tan iyo markaas, inkasta oo kan hore uu ku soo laabtay tababarka, kan dambena waxa uu kasoo muuqday kursiga keydka guushii raaxada ahayd ee Premier League ee Leicester Sabtidii.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa soo jeediyay in Lukaku uu wajaho tartan waqti ka hor ah si uu taam ugu noqdo kulanka Group H ee Juve, waxaana uu shaaca ka qaaday inuu bedelay Havertz wax yar ka dib saacada garoonka King Power Stadium sababtoo ah dhibaato muruqa ah oo uu dareemayay. .

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka isniintii, Tuchel ayaa yiri: “Weli ma hubo Lukaku] Waxa uu u muuqday mid ku fiican tababarka shalay, waan arki doonaa falcelinta.

“Waxa uu balan la leeyahay dhakhaatiirta iyo physios-ga, laga yaabee in aan kooxda kula soo biiro daqiiqadaha ugu dambeeya.

Macalinka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Kai [Havertz] waxa uu qabay dhibaato muruqa ah sidaas darteed waanu ka saarnay,waxa aanu shaki ka qabnay isaga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*