Thomas Tuchel oo la xiriiray xiddiga Manchester City ee Raheem Sterling si uu ugu biiro Chelsea.

Maamulaha Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu xiriir la sameeyay wakiilada Raheem Sterling si uu ugu biiro Stamford Bridge.

Sterling ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Etihad Stadium ka dib markii uu hoos u dhacay heerka koowaad ee Man City, taasoo ay iftiimisay inuu ku soo bilowday kaliya 23 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore.

Iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka England uu ku dhow yahay inuu galo sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa, Man City ma rabto Sterling inuu si xor ah uga tago xagaaga soo aadan.

Warbixin hore ayaa muujisay in 27-sano jirkaan uu ku dhow yahay inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa xilli lala xiriirinayo Chelsea, Barcelona , AC Milan iyo Real Madrid .

Sida laga soo xigtay Talksport , Thomas Tuchel ayaa la xiriiray wakiilada ciyaaryahanka si uu ugu qanciyo Sterling inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge.

Chelsea ayaa qarka u saaran inay bixiso lacag u dhaxaysa 50 ilaa 60 milyan oo gini si ay u xoojiso weerarkeeda ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*