Shir Jaraa’id Thomas Tuchel oo shaaca ka qaaday N’Golo Kante iyo Xidigaha kale ee Seegaya kulanka West Ham United

Tababare Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday in N’Golo Kante uu ka mid yahay afar ciyaartoy oo Chelsea ah oo seegi doona kulanka sabtida ee Premier League ee West Ham United .

Kante ayaa markii hore loo saadaaliyay inuu maqnaan doono usbuuc ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii Juventus 23kii November, laakiin xiddiga reer France ayaa haatan maqnaan doona kulan seddexaad oo xiriir ah.

Isagoo wariyaasha kula hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka, Tuchel ayaa sidoo kale qiray in Trevoh Chalobah uu ku biiray Mateo Kovacic iyo Ben Chilwell oo dhaawac ah ka dib markii uu dhaawac muruqa ah uga baxay kulankii Watford.

“Ben Chilwell Waqti dheer ayuu maqnaanayaa, Trevoh, waxuu u baahayahay baaritaano dheeraad ah si aan u aragno sida uu yahay dhaawaciisa.”

Tuchel ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Reece James uu ku soo laaban doono kooxda ka dib markii uu seegay safarkii Vicarage Road.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*