Thomas Tuchel wuxuu sugayay ‘sanado badan’ si uu fursad ugu helo inuu la shaqeeyo N’Golo Kante

Tababaraha cusub ee kooxda chelsea Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay ugu dambeyntii inuu la shaqeeyo N’Golo Kante, isagoo sanado badan’ isku dayaya inuu la soo wareego ee uu geeyo kooxaha kale ee uu maamuli jiray tabarahaan Germanka ah.

Tuchel ayaa qabtay kulankiisii ugu horreeyay habeenkii Arbacada isagoo tababare u ah Chelsea, kaasoo 0-0 kaga hor yimid Wolves garoonka Stamford Bridge In kasta oo ku guuleystihii Koobka Adduunka Kante uusan door ka ciyaarin dhaawac dartiis, farxadda Tuchel ee la shaqeynta ninka Faransiiska ah kama uusan gaarin natiijada.

Waxyaabaha xiisaha leh ayaa ah markii aad ku biirto koox bartamaha xilli ciyaareedka waxaa hore u rajeynayey inaan maamulo xidigo sida Kai Havertz, Timo Werner,Toni Rudiger,,’ ayuu yiri Tuchel Waxaan doonayay sannado badan inaan N’Golo Kante ku yeesho kooxdeyda oo hadda waxaan halkaan ku hayaa, sidoo kale Olivier Giroud, waxaan heysanaa sawir cad.

Waxaan sannado badan ka daba socday Premier League xilligii Dortmund iyo Paris si aan u helo kante sidaa darteed waxaan heystaa sawir cad oo ku saabsan waxa ay ragga awood u leeyihiin. Inaad ka hesho nin sida Cesar Azpilicueta xafiiskaaga waa wax la yaab leh maxaa yeelay aakhirka waxaan sidoo kale ahay taageere kubada cagta ayuu yiri maamulaha cusub ee kooxda chelsea.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*