Timo Werner oo Xiliga uu kusoo laabandoono kooxda RB Leipzig la shaaciyay

Timo Werner ayaa lagu soo waramayaa inuu dhameystiri doono ka soo laabashadiisa Chelsea kuna biiraya RB Leipzig Isniinta.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa weli seddex sanno uga hartay qandaraaskiisa Chelsea, lakiin waxa uu muujiyay rabitaan ah inuu ka tago xagaagan si uu u helo waqti badan oo uu ciyaaro ka hor Koobka Adduunka ee November.

Werner ayaa ku soo bilowday 29 Premier League xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay ee Blues, laakiin wuxuu ka soo muuqday kaliya 15 line-up horyaalka xilli ciyaareedkii hore, taasoo keentay in weeraryahanka lala xiriiriyo inuu baxo.

Real Madrid iyo Newcastle United ayaa ka mid ahaa kuwa loo aqoonsaday inay xiiseynayeen, laakiin 26 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro ku soo laabashada kooxdii uu ka tagay labo sano ka hor.

Sida laga soo xigtay saxafiga kubada cagta Talyaaniga Fabrizio Romano , Werner ayaa qarka u saaran inuu u saxiixo Leipzig heshiis joogto ah iyadoo wareejinta la dhameystirayo Isniinta.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*