Home Horyaalka Ingiriiska Timothy Fosu-Mensah oo heshiis sadex sano u saxiixaya Manchester United

Timothy Fosu-Mensah oo heshiis sadex sano u saxiixaya Manchester United

0

Timothy Fosu-Mensah ayaa lagu soo waramayaa inuusan wali go’aansan inuu heshiis cusub u saxiixo Manchester United .

22 jirkaan qandaraaskiisa haatan ayaa dhacaya xagaaga soo aadan, laakiin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa lagu soo waramayaa inuu u soo bandhigay qandaraas cusub kooxda heysata 20ka jeer horyaalka Ingariiska.

Sida laga soo xigtay Football Insider , xidigan ayaa miiska loo saaray heshiis cusub oo saddex sano ah, inkasta oo daafaca qaab ciyaareedka badan uusan go’aan ka gaari doonin mustaqbalkiisa ilaa bilowga bisha Janaayo.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Fosu-Mensah, oo kaliya afar jeer kusoo bilowday Red Devils, uu marka hore doonayo inuu fiiriyo dalabyada kale ee imaan kara.

Tababaraha reer Holland ayaa dib ugu soo celiyay kooxda koowaad waxaana uu ka soo muuqday labo jeer kooxda Ole Gunnar Solskjaer intii lagu jiray ololihii 2020-21.

Fosu-Mensah, ayaa xor u noqon doona inuu kala hadlo dhinacyada kale bilowga bisha Janaayo, ayaa 29 kulan u saftay United tan iyo markii uu ka soo muuqday sanadkii 2016.

Previous articleJuvenstus oo lagu dhagay xili inter milan ay badisay kulmada Horyaalada la ciyaaray
Next articleInter Milan oo isha ku heysa inay lasoo wareegto Angel Di Maria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here