Tirada Xidigaha Manchester United ay iska iibineyso Bisha January oo la shaaciyay

Photo Reuters

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay iibiso ugu yaraan 3 xiddig inta lagu guda jiro suuqa January.

Saameynta dhaqaale ee cudurka faafa ee coronavirus, United wey ku adkaatay in xidigaha qaar ay kooxda sii joogaan.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , United ayaa sameyn doonta dadaal joogto ah oo ay ku kala direyso Sergio Romero , Marcos Rojo iyo Phil Jones .

Midkoodna seddexdaas arrimood kuma lug laheyn tan iyo bilowgii ololaha 2020-21, taasoo ka dhigeysa in kooxaha waa weyn ee Premier League ay qiimo jaban ku heli karaan xidigahan.

Si kastaba ha noqotee, saraakiisha naadiga ayaa doonaya inay yareeyaan dhaqaalaha ku baxaya xidigaha qaar iyagoo fasaxaya ugu yaraan sadex xidig.

Timothy Fosu-Mensah ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa Old Trafford.

Ciyaaro.com

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*