Home Suuqa Kala iibsiga Toby Savin oo ku guuldareystay labo tijaabo oo uu ku maray Manchester...

Toby Savin oo ku guuldareystay labo tijaabo oo uu ku maray Manchester United

0

Goolhayaha reer England Toby Savin ayaa ku guuldareystay labo tijaabo oo uu ku maray Manchester United 6-dii bilood ee ugu dambeysay.

Red Devils ayaa xiisaynaysay in ay 23 jirkan la soo wareegto oo ay ka dhigto gool haye 3-aad laakiin xiddiga ayaa ku guul daraystay in uu dhaafo qiimayntii caafimaad ee loo baahnaa taas oo keentay inay burburto u dhaqaaqistiisa.

Kooxda ayaa isha ku haysay ilaa dhowr sano iyadoo Janaayo 2024, uu tijaabada caafimaadka u maray United, balse waa uu ku guuldareystay.

isagoo weli ka tirsan kooxda League 2 ee Accrington Stanley.

Dhamaadkii xilli ciyaareedkan, ayuu rajaynayay in uu beeca xorta ah ugu biiro United laakiin warbixinta ayaa daaha ka qaaday in uu xiddigu ku dhacay tijaabadii labaad ee caafimaadka bishan.

Waxa uu qabay dhaawac garabka ah oo soo gaaray bishii Sebtembar ee sanadkii hore, kaasoo garoomada ka saaray muddo 6 bilood ah.

Waxaa suurtogal ah in taasi ay qayb ka qaadatay daawooyinkiisii ​​fashilmay.

Laacibka ayaa wixii markaas ka dambeeyay beeca xorta ah ugu biiray Shrewsbury.

Dhanka kale Manchester United ayaa todobaad cajiib ah ku jirtay suuqa kala iibsiga, iyaga oo la soo wareegay Joshua Zirkzee iyo Leny Yoro.

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ku dhow yihiin heshiiska Manuel Ugarte ee PSG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here