Toddobaadyo xaasaasi ah ayaa kusoo fool-leh Manchester United oo ku jirta waqti adag oo ay la’yihiin guulaha iyadoo xilli-ciyaareedkuna bilow yahay.
Xaaladda qolka labbiska Manchester United ayaa la sheegay in ay sii xumaatay, markii ay dagaallameen Bruno Fernandes iyo Scott McTominay kaddib ciyaartii Brighton, iyadoo waliba ay kooxda ka maqan yihiin Antony iyo Jadon Sancho oo khilaafyo dartood uga maqan.
Tiro ciyaartoyda Manchester United ah ayaa ku maqan dhaawac, waxaana ugu dambeeyey Aaron Wan-Bissaka oo ay kasii horreeyeen Luke Shaw, Raphael Varane, Mason Mount, Tyrell Malacia iyo saxeexa cusub ee Sofyan Amrabat, hase yeeshee waxa tababarka kusoo noqday Varane iyo Mount oo culayska ka yareeyey.
Shan ciyaarood oo saddex ka mid ah ay marti yihiin ayaa la sheegay in ay go’aamin doonaan sida uu noqonayo mustaqbalka kooxda ee xilli-ciyaareedka, waxaanay ka bilaaban doonaan Arbacada oo ay Allianaz Arena ugu tegayaan Bayern Munich oo waqti xun ugu soo beegantay.
Toddobaadka dam be, ayaa waxay Man United kusoo noqon doontaa horyaalka Premier League oo ay ballansan yihiin Burnley, kaddibna afar maalmood gudahood ayay laba jeer is-arkayaan Crystal Palace oo ay isku dhaceen tartanak Carabao Cup iyo sidoo kale horyaalka Premier League oo ciyaarta labaad noqonaysa.
October 3 ayaa ay Manchester United waajihi doontaa Galatasay ciyaarta labaad ee tartanka Champions League, waxaana shantan ciyaarood oo ay natiijooyin fiican ka keeni waayaan ay Manchester United gelin doontaa xaalad quus ah iyadoo uu horyaalkuba bilow yahay.
Waa kuwan shanta ciyaarood ee muhiimka u ah Man United