Daafaca AC Milan Fikayo Tomori ayaa sheegay inay raadinayaan aargudasho usbuucan kooxda ay isku haleelayaan Champions League ee Chelsea.
Milan ayaa doonaysa in ay dib u soo kabsato kadib guuldaradii 3/0 ahayd ee todobaadkii hore ka dhacday magaalada London.
Tomori ayaa yiri: “kulanka Chelsea waan xanaaqay, waxaana doonayay inaan wax walba garoonka ku bixiyo (guushii aan ka gaaray Juventus), ka dib waxaan dhaliyay gool, waxaana dareemay dareemay: Farxad.
“Waxay noo ahayd ciyaar xun, ma aanan u ciyaarin sidii caadiga ahayd sidii aan wax u arki jiray sannadkii iyo badhkii la soo dhaafay, laakiin waxa aanu awoodnay in aanu si fiican uga falcelino, anagoo ciyaar fiican la ciyaarnay Juve. guuldaradii ka soo gaartay Chelsea, waxaana halkaan u joognaa berri si aan uga aarsano.
“Mar walba waxaan sameeyaa wax walba oo karaankeyga ah kulan kasta, todobaadkii hore kuma guuleysan, laakiin kubada cagta mar walba waxay ku siineysaa fursad kale, waxaana isku dayi doonaa inaan sida ugu fiican uga faa’ideyno berri: hubaal waxaan muujin doonaa inaan sameyn karno wax ka sii wanaagsan.