Toni Kroos oo ka Dhawaajiyay Kooxda uu doonayo Inuu Ciyaaraha kaga Fariisto

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Bernabeu inta ka dhiman xirfadiisa ciyaareed, isagoo qandaraaskiisa haatan ku eg yahay 2023.

32-sano jirkaan ayaa weli qeyb ka ah kooxda koowaad ee Los Blancos, isagoo dhaliyay seddex gool sidoo kalena caawiye ka ahaa inta ugu badan 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ololahan, waxaana uu doonayaa inuu qandaraaska u kordhiyo.

Ka dib markii uu Bernabeu kaga yimid Bayern Munich 2014, qandaraas kordhinta Jarmalka hal xilli ayaa ka dhigi doonta inuu mudo dheer kooxda joogo.

Kroos ayaa u sheegay Sky Sports News ee Germany: “Waxaan si ula kac ah u doortay muddada qandaraaska markii aan kordhinayay, sababtoo ah markaas waxaan noqon lahaa 33, waana da’ fiican inaan ka fikiro sidii aan u sii wadi lahaa.

“Si kastaba ha ahaatee, uma baahni inaan ka fikiro, waxaa jira xiriir cajiib ah oo aan la leenahay kooxda oo aanan waligey khatar gelineynin Mustaqbalkayga.

Intii lagu guda jiray mudada dheer ee uu joogay Real Madrid ilaa maanta, Kroos waxa uu caawiyay 83 gool, waxaana u dhaliyay 25 gool 340 kulan oo uu u saftay kooxda.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*