Toni Kroos ayaa ku dhowaa inuu ku biiro Manchester United sanadkii 2014, balse heshiiska ayaa fashilmay markii kooxda ay cayrisay tababare David Moyes.
Moyes, oo loo xushay inuu buuxiyo booskii Sir Alex Ferguson ee Old Trafford, ayaa cadaadis soo fuulay sababo la xiriira natiijooyin liita waxaana ugu dambeyn laga eryay shaqada kaddib kaliya 10 bilood oo uu xilka hayay.
Kahor intaan la ceyrin, Moyes wuxuu si firfircoon ugu jiray raadinta xoojinta kooxdiisa wuxuuna wadahadallo la galay Kroos si uu uga soo wareego Bayern Munich. Xilligaas, Kroos, oo markaas jiray 24 sano, wuxuu diyaar u ahaa inuu ku biiro Premier League-ka oo uu ka hoos ciyaaro tababare Moyes.
Si kastaba ha ahaatee, arrimuhu si weyn ayay isku beddeleen markii Moyes la cayriyey xilli wadahadallada ay socdeen. Wareysi uu siiyay SPORT1, Kroos wuxuu shaaca ka qaaday sida uu u fashilmay qorshihiisii ku biiritaanka Manchester.