Tony Adams oo su’aal ka keenay saxiixa Arsenal ee Willian

Halyeeyga Arsenal Tony Adams ayaa ku dhaleeceeyay Gunners go’aan ay kula saxiixdeen Willian heshiis seddex sano ah.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea ayaa u wareegay Arsenal, iyadoo Willian la rumeysan yahay inuu jeebka ku rito £ 220,000 asbuucii kooxda Mikel Arteta .

Inkasta oo uu boos joogto ah ka helay kooxda Arteta, hadana xiddiga reer Brazil ayaa ku dhibtooday xilli ciyaareedkan welina ma uusan furin akoonkiisa Arsenal, iyadoo Adams uu haatan su’aal ka keenay heshiiska ay Gunners ugu dhaqaaqday isaga markii hore.

Isaga oo la hadlaya Stadium Astro , Adams ayaa yidhi: “Taniwaa caajis aniga ahaan. Waa inaad dhabtii su’aal ka keentaa nidaamka qoritaanka ee Arsenal xilligan.

Waxaan soo helnay ciyaartoy cajaa’ib leh intii uu macalinka u ahaa Arsene Wenger . Wuxuu raadsaday ciyaaryahan da ’yar, xitaa ma tixgelin laheyd Willian hadii Arsene uu weli kooxda maamuli lahaa.

Isaga oo ah weeraryahan da’diisu ka weyn tahay 30 jir, jir ahaan uma maleynayo inuu ka heli karo boosjoogta ah kooxda Arsenal

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*