Home Wararka Ciyaaraha Tottenham 0-1 Chelsea: Blues oo iska xaadirisay finalka EFL Cup Xili Spurs...

Tottenham 0-1 Chelsea: Blues oo iska xaadirisay finalka EFL Cup Xili Spurs ay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah

0

Inkasta oo ay qaybtii danbe ee ciyaarta soo bandhigtay qaab ciyaareed xamaasad leh oo ay samaysay Tottenham haddana Chelsea ayaa ugu danbayn u soo baxday finalka EFL Cupka kadib markii ay celcelis ahaan 3-0 ku garaacday wiilasha Antonio Conte.

Goolasha:  Rüdiger 19′′

Blues ayaa ciyaarta soo gashay iyadoo heysata laba gool oo cajiib ah oo ay kala dhaliyeen Romelu Lukaku iyo Timo Werner, Xidiga Timo Werner ayaana fursadii ugu fiicneyd xilli hore helay, isagoo kubad ku dhuftay Goolahye Pierluigi Gollini.

Kooxda Chelsea hogaanka ciyaarta la wareegtay Daqiiqadii 19aad iyadoo Antonio Rüdiger uu meel sare ka booday si uu kubada Shabaqa u dhex dhigo.

Daqiiqadii 30-aad ayay Spurs heli rabtay goolka bar-baraha iyaga oo kubad madax ah oo ka timid Davinson Sanchez uu lugta la waayay Harry Kane oo birta u dhawaa.

Kooxda martida loo ahaa ayaa markaas u maleyneysay inay rigoore leeyihiin markii Pierre-Emile Hojbjerg lagu jilaafay banaanka diilinta ganaaxa iyadoo marka hore loo heesta gudaha lakin dib loo eegay VAR.

kooxda Spurs si sax ah mar kale looga diiday rigoore kale ka dib markii Lucas lagi jilaafay gudaha diilinta ganaaxa guuda ahaan ciyaarta ayaa cel-celis ahaan ku soo dhamaatay 0-3.

Previous articleReal Madrid oo ka badisay Barcelona ciyaar ka tirsaneyd Supercopa Clásico oo shan gool leeska dhaliyay
Next articleInter Milan 2-1 Juventus: Alexis Sanchéz oo waqtiga dheeriga ka Caawiyay Inter Milan ku Guuleysiga Koobka Supercoppa Italiana

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here