Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa weeraryahankaClub Brugge Charles De Ketelaere .
20 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Belgian intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 13 gool, waxaana uu diiwaan geliyay sideed caawin 31 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Manchester City ayaa lala xiriirinayaa weeraryahanka, kaasoo ay ka harsan tahay labo sano iyo bar inuu ku sii socdo qandaraaskiisa haatan, halka kooxo kale oo badan ay sidoo kale xiiseynayaan adeegiisa.
Sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur , Tottenham ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo De Ketelaere inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xiddigan oo awood u leh in uu ka ciyaaro boosas hore oo kala duwan ayaa hal mar shabaqa soo taabtay afartii kulan ee uu u saftay xulka Belguim.
De Ketelaere ayaa laba jeer ka horyimid Man City kulan ka tirsan heerka Group-yada ee xilli ciyaareedkan champions League laakiin waxa uu ku soo dhamaaday guuldarooyin culus oo ka soo gaadhay kooxda difaacanaysa Premier League labada jeer.